Daryeelka Carruurnimada iyo Dhaqaatiirta Waxbarashada

Achieve waxay taageertaa oo ayna ansixisaa guulahaaga xirfadeed. Waxaan bixinaa warbixin la gali karo ee ku dhiirogeliso kobacaaga waxbarashada. Isticmaal kooxdaada hormarinta waxbarashada, qalabyada, iyo illaha lagu gaarayo guushaada.

Achieve, codsigaaga waxaa loo hirgelinayaa sida ugu dhakhsaha badan ee saxda ah ee uguna macquulka ah. Codsiyada waxaa loogu shaqeeyaa sida ay ukala horimaadeen waxayna qaadan karaan ilaa 6 toddobaad kabilaaw markii ay Achieve helaan dukumentigaada. View an infographic that explains Achieve’s workflow process.

Fiirfiiri Hishiiyada Achieve, nidaamyada, iyo macluumaad kale oo waxtar leh.

Sharaxaadaha Diiwaankaaga Waxbarashada u qalmidadaada ee la shaqeynta carruurta iyo qoyska adiga uu siinayo diiwaan saxan ee tababarkaaga iyo waxbarashada. Ku gal Diiwaankaaga Waxbarasho adoo sii adigoo isticmaalaya Akauntigaada Develop Qalabkaan xoogan waxaa loo ogolaaday sida waraaaqaha la xaqiijiyay ee lagu tilmaamay guushaaada ee:

  • Wada-hawlgalayaasha Achieve
  • Badrooniyada
  • Nidaamyada Deeqda Waxbarashada
  • Hay’adaha Joogtada ah

Sidoo kale waad ku dari kartaa Diiwaankaaga Waxbarashada si loo xoojiyo aqoontaada.

Fiiri Diiwaankaaga Waxbarashada hadeer!

Riix hoos si aad ugu gashid lambarka Aqoonsigaaga Develop iyo furaha si aad u bilowdid.

Horumari shaqadaada daryeelka carruurta iyo goobta waxbarashada qalabka Baahiyada Tababarka Shaqsiga (ITNA). Isticmaal qalabkaan si aad:

  • Wax badaan ka baro nafsadaada.
  • Samee dookh la ogeysiiyay ee sare loogu qaadayo xirfadahaaga.
  • Hel fursadaha kuugu caawinayo guusha hadafkaagaa.
  • Horumari Tallaabada Xirfada Shaqada.

Qaado Qiimeynta Baahiyada Tababarka Shaqsiga hadeer!

Riix hoos si aad ugu gashid lambarka Aqoonsigaaga Develop iyo furaha si aad u bilowdid.

Su’aalaha?

Waxaan haynaa jawaabo!

Xiriirka

TALEEFONKA: 1-855-378-3131

I-MEELKA: support@mncpd.org

SU’AALAHA INTA BADAN LA ISWEEYDIIYO (FAQ’S)

Booqo Websaytka Develop si aad u raadiso dhacdooyinka tababarada la aqbalay. Ku raadi goob ahaan, taariiqda, Knowledge and Competency Framework (KCF) Aaga Tusmada CDA, heerka tababarka, luuqada ama nooca koorsada.

Fadlan raac tallaabooyinkaaan si aad u noqotid xubin ka mid ah Develop.

  1. Tag www.developtoolmn.org
  2. Riix Gal, Ku yaalo geeska kore ee midig ee shaashada.
  3. Geli aqoonsigaaga Develop ID iyo Furaha si aad u gashid.
  4. Sax sanduuqa doorashada Xubin Noqoshada.
  5. Riix Codso/Cusbooneysii.
  6. Buuxi codsiga onleenka. Riix Keydi iyo Sii wad kadib dhameystirkaaga bog walba.
  7. Riix Gudbi.
  8. Fadlan u soo dir waraaqahaaga toban maalmood gudahood ee gudbintaada codsiga onleenka. U ogolw lix isbuuc ka bilow taariiqda aan helnay waraaqahaaaga oo ka baarandagida
  9. Tallaabada Xirfada Shaqadaada waa loo xilsaarayaa. Shahaadada Tallaabada Xirfada shaqada waxay shaqeyneysaa hal sanno waxaa laguugu soo dirayaa ciwaankaaga qoran.

Fadlan raac tallaabooyinkaan si aad u cusbooneysiid xubinnimadaada Develop.

  1. Tag www.developtoolmn.org
  2. Riix Gal, Ku yaalo geeska kore ee midig ee shaashada.
  3. Geli aqoonsigaaga Develop ID iyo Furaha si aad u gashid.
  4. Riix sanduuqa doorashada Cusbooneysii Xubinnimadaada.
  5. Riix Codso/Cusbooneysii.
  6. Eeg oo cusbooneysii codsiga onleenka. Riix Keydi iyo Soo soco kadib markaad dhameystirtid bog walba.
  7. Riix Gudbi.
  8. Fadlan u soo dir waraaqahaaga toban maalmood gudahood ee gudbintaada codsiga onleenka. U ogolow illaa lix isbuuc ka bilow taariiqda aan helnay waraaqahaaga oo ka baaran dagida ah.
  9. Tallaabada Xirfada Shaqadaada waa loo xilsaarayaa.  Shaahadada tallaabada Xirfada Shaqada waxay shaqeyneysaa hal sanno waxaa laguugu soo dirayaa ciwaankaaga qoran.

Fadlan dib-u-fiiri Dukumentiga Hishiisyada la Aqbali karo.

Achieve waxay diiwaankaada waxbarasho ku qori doontaa koorsada heerka kuleejka gaarsisan. Shuruudaha soo socda waa in la buuxiyaa.

  • Maadooyinka koorsada heerarka kuleejo waa in lagu qoraa shahaadada rasmiga ah ee kuleejka (oo waa in Achieve si toos ah kuleejka loogu soo diraa iyadoo baqshad ku xiran).
    • Achieve – The MN Center for Professional Development2908 Marketplace Drive, Suite 103Fitchburg, WI 53719
  • Maadooyinka koorsadu waa inay ahaadaan kuwa ugu yaraan 50% oo la xiriira Aqoonta MN iyo Qibrada Kartida.

Nagala soo xiriir support@mncpd.org wixii su’aal ah.

Si aad u buuxisid codsigaaga, u dir dukumentiyada Achieve. Dukumentiyada laguuma soo celinayo.

  • Iimaylka – ku dar Lambarka #Aqoonsigaaga Develop iimaylkaaga.
  • Boosto – ku dar AqoonsigaagaDevelop# ee waraaqaha.
    • Achieve – The MN Center for Professional Development2908 Marketplace Drive, Suite 103Fitchburg, WI 53719
  • Fakiska – ku dar Aqoonsigaaga Horumarka Develop # ee xaanshidaada dulmarka.
    • (877) 379-2467

Shahaadooyinka Rasmiga ah – waa in kuleejka si toos ah ugu diraa Achieve adigoo adeegsanaya Iimaylka ama Fakiska halka kore ku xusan.

Fadlan raac talaabooyinkan si aad Achieve ugu sheegto inaadan haysan wax dukumenti ah oo aad ku soo gudbiso codsigaaga.

  1. Tag www.developtoolmn.org
  2. Riix Gal, Ku yaalo geeska kore ee midig ee shaashada.
  3. Geli aqoonsigaaga Develop ID iyo Furaha si aad u gashid.
  4. Riix Ma haysto waraaqo lagu gudbinayo, badhanka baluuga ee ku yaalo boggaaga dulmarka.
  5. Riix Xaqiiji. U ogolow illaa lix isbuuc ee ka baarandaga codsiga.

Tallaabooyinka Xirfada Shaqada waxaa lagu qimeeyay sida ku saleysan waraaqaha lala helay codsigaaga. Please review the requirements for each step on the Minnesota Career Lattice.

Haddii aad leedahay tababar dheeraad ah, koorsooyinka kuleejka ama shahaadooyin jaamacadeed si aad ugu darto akoontigaada tasoo kordhin doonta talaabadaada, fadlan dib u cusbooneysii xubinnimadaada oo u soo dir Achieve dukumiintiga loo baahan yahay.

Fadlan kala xiriir shatiyeeyahaaga su’aalo walba ee la xiriirto shuruudahooda tababarka gaarka ah. Lambarka guud ee Shatiyeynta waa (651) 431-6500.

Fadlan si toos ah kala Wargelinta Waalidka wixii su’aal ah oo aad qabtid ee la xariira qiimeyntaada Wagelinta Waalidka ama QDP (Dukumiintiyada Taariikhda Tayada). Waxaa lagula xariiri karaa iimaylka ah support@parentaware.zendesk.com.

Fadlan raac tallaabooyinkaan si loo daabaco Diiwaankaaga Waxbarashada.

Fadlan iska hubi inaad ku dajisito Adobe Reader ee kumbiyuutar. Waxaad u baahantahay in midaan aad eegtid iyo daabac Diiwaankaaga Waxbarashada.

  1. Aad www.developtoolmn.org
  2. Riix Gal, Ku yaalo geeska kore ee midig ee shaashada.
  3. Geli aqoonsigaaga Develop ID iyo Furaha si aad u gashid.
  4. Raadi Wargelinada Codsiga, ee ku yaalo dhinaca midig ee shaashada.
  5. Riix Diiwaanka Waxbarashada waxaan rabaa inaan eego, CDA, Qaabdhismeedka Cilmiga iyo Karida, ama Diiwaanka Waxbarashada Shatiyeynta DHS.
  6. Daabac oo dajiso Diiwaanka Waxbarashada.

Waxaa jiro labo illo ee laga yaabo inay kugu caawiso haddii dugsigaaga la xiro: