“Ku soo gal qaybtan jacayl badan, samir, iyo naxariis, Waxaanu saamayntan ku samaynaa noloshooda yar oo wayna jecelyihiin oo si buuxda ayay noo xushmeeyaan.”

Latisha SchauerMulkiilaha Daryeelka Ilmaha Qoyska

Mihnadaha Abaal marinta Waxbarashadda Carruurnimada Hore


Hubi mustaqbalka cad ee carruurtaada, qoysaskooda, iyo bulshadaada!

Deeqda waxbarashadda & Deeqaha

T.E.A.C.H. Deeqaha waxbarashadda

T.E.A.C.H. Carruurnimada Hore ee Minnesota waa barnaamijka deeqda waxbarashadda caawisa carruurnimada hore iyo adeeg bixiyayaasha da’da dugsiga inay kordhiyaan heerarkooda waxbarashadda, magdhowga, iyo ballan qaadka qaybaha iyagoo korodhsanayo buundooyinka kulliyada iyo digriiyada. Waxaa jirta labba nooc oo deeqda waxbarashadda ah, Carruurnimada Hore ama Deeqda Waxbarashada Adeeg bixiyaha Daryeelka Da’da Dugsiga iyo Deeqda waxbarashadda Tababaraha Carruurnimada Hore.

R.E.E.T.A.I.N. Gunooyinka 

R.E.E.T.A.I.N. Gunooyinku waxay abaal mariyana xirfad yaqaanka daryeelka ilmaha kaas oo muujiyay ballan qaadka goobta isagoo sii wada waxbarashaddooda iyo horumarka xirfadeed. R.E.E.T.A.I.N. Gunooyinka waxaa loo isticmaali karaa saadka barnaamijka, tababarka, iyo kharashyada gaarka ah.

Abaal marinta CDA 

Abaal marinta CDA waxay ka caawisaa adeeg bixiyayaasha inay bixiyaan lacagta tababarka loo baahan yahay, codsiga, iyo dib u cusboonaysiinta mida qaran ahaan la aqoonsan yahay Horumarinta Aqoonsiga Ilmaha (CDA).

Deeqaha waxbarashadda Qiimaynta Aqoonsiyada Waxbarasho ee Ajnabiga ah

Deeqaha waxbarashadda Qiimaynta Aqoonsiyada Waxbarasho ee Ajnabiga ah waxay caawiyaan xirfad yaqaanada carruurnimada hore kuwaas oo dhammaystay dugsigooda sare iyo/ama shaqada kooraska waxbarashadda sare ee ka baxsan Maraykanka inay bixiyaan kharashka nidaanka qiimaynta, markaas waxaa la aqoonsan karaa waxbarashaddooda iyo xirfadahooda.

Deeqaha Waxbarashadda Kulliyada


Bixinta kharashka kulliyadu qaali buu noqon karaa. Halkan waxaa ah liis kooban oo qaarka mid ah deeqadaha waxbarashadda gaarka ah ee Minnesota ee la heli karo.

Waxbarashadda Sare

U diyaar garowga Kulliyada

Baro wax badan oo ku saabsan waxay yihiin fasalada lagu qaadanayo dugsiga sare, sida loo korodhisto buundada kulliyada marka lagu jiro dugsiga sare, ama sida loo guulaysto arday wayn ahaan.

Doorashada Kulliyada

Samahi kulliyadaha deegaanka ka furan iyo kuwa qarankaba oo shaaca ka qaad macluumaadka sida loo codsado kulliyada.

Bixinta kharashka Kulliyada

Shaaca ka qaad waxyaabaha muhiimka u ah kaalmada dhaqaale, deeqadaha iyo deeqaha waxbarashadda, doorashooyinka kale ee kaalmada, iyo lacagta la amaahiyo ardayda.

Barnaamijka Dib u bixinta Amaahda Macalin yaraanta Minnesota

Barnaamijka Dib u bixinta Amaahda Macalin yaraanta Minnesota waxaa loo dhisay si ay ardayda u siiso kaalmada dib u bixinta amaahda ee macalimiinta siinaya waxbarashadda fasalka gudaha aaga macalinku ku yar yahay ee Minnesota. Arag cidda u qalanta inay codsato, codsiga iyo nidamaaka xulashadu siday tahay, iyo imisa lacag ah ayaa lagu abaal marin karaa.

Ilaha ECE

Rewarding Careers in Early Childhood Education Brochure

Soo deji warsidahayaga la wadaagi karo ee ku qoran pdf.

Achieve – Xarunta MN ee Horumarka xirfadat

Achieve waxay isticmaashaa nidaamka Horumar si ay u habbayso gudbinaha codsiga xubinimada oo ay adiga kuu siiso taageerada la gaar yeelay ee codsiga ee ku salaysan baahiyahaaga horumarka xirfadeed iyo hadafyada.

Xarunta Waxbarashadda Hore iyo Koboca

Xarunta Waxbarashadda Hore iyo Koboca (CEED) waxay caawisaa macalimiinta hore, daryeelayaasha, dhakhtarada, iyo barnaamijyada inay ka guul gaadhaan natiijooyinka ugu wanaagsan ee dhalaanka iyo carruurta da’da yar ee ay u adeegaan.

Xarunta Daryeelka Ilmaha loo dhan yahay

Xarunta Daryeelka Ilmaha loo dhan yahay (CICC) waxay bixisay horumarka xirfadeed oo xidhiidh bilaash ah ku salaysan (RBPD) ay ku jirto taageerada, tababarka, qaabaynta, iyo ilaha barnaamijyada daryeelka ilmaha dhammaan Minnesota.

Barnaamijka Daryeelka Ilmaha, Minnesota Waaxda Adeegyada Aadamaha

Barnaamijka Daryeelka Ilmaha, Minnesota Waaxda Adeegyada Aadamaha waxay bixisaa kaalmo dhaqaale si ay u caawiso qoysaska dakhliga mushaharku aad u hooseeyo daryeelka ilmaha markaas waalidku waxay raadsan karaa shaqo ama waxbarasho u horseedaysa shaqo, iyo carruurtaasna si wanaagsan ayaa loo daryeelaa oo waxay u diyaar garoobaan gelida dugsiga.

Child Care Aware of Minnesota (Waciyada Daryeelka Ilmaha Minnesota

Child Care Aware of Minnesota waxay ka caawisaa carruurtu inay ku guulaystaan dugsiga iyo nolosha iyaddoo ka taageeryasa koboca xirfadeed adeeg bixiyayaasha daryeelka ilmaha oo ku xidhaysa qoysaska daryeel tayo leh.

Develop

Develop waxay bixisaa horumarinta xirfadeed iyo agabyada horumarinta tayada si loo taageero waxbarashadda hore iyo daryeelka da’da dugsiga.

Maaliyada Carruurta Koowaad

Maaliyada Carruurta Koowaad waxay siisaa amaah iyo kaalmada horumarinta ganacsiga ganacsiyada daryeelka ilmaha tayada sareeya ee u adeegaya qoysaska dakhliga hoose iyo dhexe.

Ruqsad siinta xirfad yaqaanka Macalinka ah iyo Guddida Heerarka caadiga ah (PELSB)

PELSB waxay bixisaa macluumaad ku saabsan liisan siinta macalinka gudaha Minnesota. Codso liisanka, hel barnaamijka diyaarinta ama baro wax ku saabsan shuruudaha.

Parent Aware (Wacyiga Waalidka)

Parent Aware waxay caawisaa barnaamijyada inay helaan fursadaha lagu horumariyo tayadooda, waxay ka taageertaa agabyada iyo ilaha ay u baahan yihiin si ay u guulaystaan, oo waxay xustaa shaqooyinka ay qabanayaan si ay si ugu abuurto nolol wanaagsan carruurta gudaha Minnesota.

Ku biir Bulshadda

Ururka Waxbarashada Carruurta Da’da yar ee Minnesota 

Ururka Waxbarashada Carruurta Da’da yar ee Minnesota (MnAEYC) iyo Daryeelka Isbahaysiga Da’da Dugsiga Minnesota (MnSACA) waa ururo xirfadeed oo leh in ka badan 700 xubnood midkiiba.

Ururka Minnesota ee Xirfad yaqaanada Daryeelka Ilmaha 

Ururka Minnesota ee Xirfad yaqaanada Daryeelka Ilmaha (MACCP) waa urur mutadacwinimo leh ee adeeg bixiyayaasha daryeelka ilmaha qoyska gudaha Minnesota.

Ururka Daryeelka Ilmaha Minnesota 

Ururka Daryeelka Ilmaha Minnesota (MCCA) waa urur gobolka oo dhan oo metelaysa xarumaha daryeelka ilmaha ruqsada haysta ee Minnesota oo dhan.

Macluumaadka Shabakada Adeeg bixiyaha Daryeelka Ilmaha Minnesota

Macluumaadka Shabakada Adeeg bixiyaha Daryeelka Ilmaha Minnesota (MCCPIN) waa ururka ay hogaamiyaan adeeg bixiyayaasha qoyska daryeelka imaha ee adeeg bixiyayaasha daryeelka ilmaha qoyska. Websaydka MCCPIN waxa ka mid ah liiskaururada maxaliga ah.

Ururka qaranka ee Waxbarashada Carruurta Da’da yar

Ururka qaranka ee Waxbarashada Carruurta Da’da ya (NAEYC) waa xubinta Urur xirfad yaqaaneed oo ka shaqeeyo in sare loo qaado waxbarashadda hore ee aad u tayada saraysa ee dhammaan carruurta da’da yar, dhalasho ilaa da’da 8, iyaddoo isku xidhaysa hawsha carruurnimada hore, xeerka, iyo cilmi baadhida,

Mihnad shaqo aad jeclaan Karto.

Waxbarashadda Carruurnimada hore waa qayb leh fursado mihnado shaqo tiro badan iyo koboc wayn oo mustaqbal. Isticmaal agabka hoose si aad u sahamiso qayb mihnadaha shaqo badan ee la heli karo.

Sahami agabkan xirfadeed ee isku dhafan oo sahami sida loo qorsheeyo mihnadaada shaqo ee guusha leh gudaha daryeelkaaga carruurnimada iyo waxbarashadda. Riix hoos si

  • Aad u aqoonsato awoodahaaga addoo isticmaalaya Develop’s ITNA agabka(Qiimaynta Baahiyaha Tababarka gaarka ah)
  • Hel waxbarashadda iyo ilaha tababarka
  • Sahmi dookhyada mihnadaha shaqo ee cusub ee aad dooni lahayd inaad raacdaysato,

Mihnada shaqada Minnesota iyo Sahamiyaha Waxbarashaddu waa agab fudud oo si fudud loo isticmaalo. Waxaad kartaa

  • Inaad raadiso qaybo badan oo shaqooyinka ah
  • Inaad dib u eegto heerka mushaharka iyo dalabka gobolkaaga Minnesota
  • Inaad barato shuruudaha waxbarashadda